Powered By Blogger

 

Nuxurka buuga hogaamintii nebi Maxamed SCW

Ugu horrayn buugani waxa uu ka warramayaa hogaamintii nebi muxamad scw. Nebi maxamed scw waxa aynu odhan karnaa wuxu ahaa hogaamiyihii ugu weynaa abid ee adduunka soo mara, waayo waxa uu ahaa hogaamiye ciidan, hogaamiye dhaqaale, hogaamiye siyaasadeed iyo hogaamiye ummad dhan qaab nololeedkeedii bedeley, raad xoogan na kaga tegey adduunka.

 

·   


   Qoraaga buugu waxa uu leeyahay; intii aadamuhu jirey wax barshada iyo hogaamintuba waxa ay ahaayeen qori isu dhiib, maalin ba meel taagneyd. Nebi Maxamed  SCW waxa uu ina baray hogaaminta saxda ahi waxa ay tahay isaga oo inoogyu muujiyey hab-dhaqan xikmadaysan.

Qaybta humility

Qaybtan waxa uu kaga hadlayaa mutawaadacnimada ama is-dhul-dhiga  iyo sida ay hogaaminta u bisho ee  ay qiimo ugu ladho iyo sidii ay uu ugu suntanayd hogaamintii nebi muxamad scw.

Inkastoo uu Nebigu SCW ahaa mid aad u naxariis badan una debecsan hadana waxa uu sheegayaa qoraagu sida ay hogaamintiisu ugu adadkeyd gaalada, ee ay uga madhnayd tanaasulka iyo inay cidkale tartan la gasho.

Waxa uu sheegayaa oo ka markhaati kacayaa in doorkii nebinimo ee hogaamintiisu aanay ahayn wax la sababayn karo oo  iska caadiya. Wuxu leeyahay kuwa caadiga ahi adduunka saamayn xoogan kuma yeeshaan. Taasna waxa uu ku xoojinayaa sida aanu u fududayn isbedelku xiligiisii iyo sida ay hogaamintiisu u hana qaaday raadka baaxada leh na u reebtay.

1.   Qoraagu waxa uu leeyahay; Is-dhuldhigu waa ogaanshaha inaanad Ilaah ahayn. Taas macheedu waa inaad adoon tahay.

2.   Wuxu kale oo leeyahay; Hogaamiye ahaan in aad is-hoosaysiiso oo aad is-dhul-dhig la timaadaa waxa ay sheegaysaa in aanad isla weynayn.  Maahmaahyo carbeed ayuu taas ku xoojinayaa oo waxa uu leeyahay; Carabtu waxay ku maahmaahdaa: Kibirku xikmada wuu dhimaa. Mar kale waxa uu leeyahay; taajka wanaagu waa is-dhuldhiga.

3.   Waxa kale oo uu leeyahay qofka ay ka maqan yihiin calamadaha kibirku ee aanay ka muuqan dushiisa iyo duunkiisaba, wuxu hayaa waddo u horseedaysa xikmad wax ku ool ah.

4.   Waxa uu sheegayaa in Hogaamiyaha wanaagsan ee xikmada lehi yahay ka kala tashashada cid uu hogaaminayo arrinta markaa taagan ka hor inta aanu go’aan gaadhin. Gaar ahaan waxa uu wax weydiiyaa kuwa aqoonta iyo waaya-aragnimada uleh arrinka taagan iyo xaalada la rabo in la furdaamiyo.

Waxa aan ku soo xasuustay cilmibaadhis uu soo xiganayo buuga “Xilkas” waa buug afsoomaali ku qoran, oo uu qoray qoraa Cabdikariim Cismaan Jaamac.  Cabdikariim wuxu leeyahay; “waxa cilmi baadhis lagu ogaadey in marka qofku awood yeesho samirka uu wax ku dhegeystaa yaraado. Taana waxa sababeysa ayaa la sheegay in qofka awooda helay moodo inuu dadka ka caqli badan yahay falcelintooduna aanay muhiim ahayn.

Shepherd/ Adhijir/Qawsaar

Waxa uu sheegayaa inuu nebigu scw ahaa adhijir. Dabcan adhijirnimada iyo hogaaminta waxbaa ka dhexeeya.

1.  Adhijirku waxa uu adhigiisa la raadiyaa baad iyo biyo. Wax uu ka ilaaliyaa inay kala firdhaan. Waxa uu u daryeelaa midmid. Magacyadooda ayuu yaqaanaa, iyaguna codkiisa ayey yaqaanaan.

Fahanka guud ee qaybtan iyo sawirka ku duugani waxa weeye; sida adhijirka wanaagsani adhigiisa ugu hogaamiyo, meel biyo iyo baad leh, ugana ilaaliyo inay kala firdhaan oo kala halaabaan, xaalkoodana uu midmid uu ugaga warhayo, ayaa hogaamiyaha ummad hogaaminayana looga baahan yahay inuu ku hogaamiyo, hirgelinta yoolasha ummadaa ka dhexeeya si midnimo, wada-jir iyo xog-ogaalnimo leh.

Nebi maxamad na scw waa uu soo maray xiliga adhi-jirnmo, ilaa uu ku dambeeyey inuu galay kaalinta ah hogaamiyihii adduunka ugu saamaynta badanaa.

Qaybtan waxa kale oo ka muuqda inaanay hogaamintu iska yeel-yeel ahayn ee ay tahay sifo hab-dhaqan xikmadaysani weheliyo. Waxa aynu taas u daliishan karnaa maahmaah afrikaan ah oo uu qoraagu soo qaadanayo oo odhanaysa; “ waa laga yaabaa inay alwaaxyadu mudo yaalan webiga dhexdiisa, laakiin weligood yaxaas ma noqdaan.” Sida la sheegay waa laguu magacaabi karaa abaanduule ama maamule, laakiin hogaamiye noqon maysid ilaa magacaabistaada laga soo ansixiyo quluubta iyo garaadka kuwa aad hogaaminayso.

Mohamad the trustworthy one

Qaybtani waxa ay ka hadlaysaa amaanadii nebi muxamad scw. Waxa aynu wada ognahay in nebi maxamad scw tolkii iyo bulshadii uu la noolaaba ay u yaqaaneen maxamed amiin, iyaga oo ugu bixiyey run-sheegnimadiisa iyo daacadnimadiisa.

Qoraagu waxa uu ku bilaabayaa qaybtan, weedh uu leeyahay ninka la yidhaahdo Livy oo ah taariikhyahan Romani ah, oo odhanaysa; “is aaminaadii ayaa luntay dabeed dhamaan xidhiidhkii bulshadu lahayd  ayaa meesha ka baxay.”

Waxa uu qaybtan qoraagu ku sheegayaa oo ku muujinayaa qiimaha ay leedahay daacadnimadu, isaga oo ku adkaynaya maahmaah laatiin ah oo odhanaysa; “daacadnimadu waa hantida ugu sharafta badan.” Hadraawina waa kii lahaa;

     “Qofba wuxu dagan yahay

Halkuu daacad kaga hadho.”

1.    Kalsooniyi ma jirto run la'aanteed. Haddii aad rabto in aad lumiso Kalsoonida kooxdaada, dhaqamadan uunyeelo; daacadnimo-darro, been-abuur, wax-is-daba-marinta, laba-labaynta iyo khiyaamayn.

 Hogaamiyaha aan daacadnimo ku sifaysnayni waxa weeye sidii qowsaar ama adhijire indhala’. Waxa uu cida uu hogaaminayo u horseedayaa hoog iyo halaag. Qoraagu maahmaahdan ayuu soo qaadanayaa oo waxa uu leeyahay; “ marka uu ilaahay ciqaab la doonayo xoolaha waxa uu usoo diraa qawsaar indhola’.” Waayo qawsaarka indhoolka ahi adhiga meel daaq fiican ma gaynkaro, khatarta cadowgana kama ilaalin karo. Sababtuna waa inaanu arkayn wadada nabad ah iyo kaynta baadka fiican ba.

 W/Q. Abdilahi Saleban Barre

No comments